Kulan-Madaxeedka Cimilada ee Magaalada Baku COP29, oo Qarka u saaran Fashil..

World

Shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, ayaa galay xaalad kacsanaan ah iyo niyad jab kadib markii wada xaajoodyadii ku saabsanaa maalgelinta cimilada ee dalalka soo koraya uu gaaray meel xun. Waxa loogu talagalay inuu noqdo kulan muhiim ah oo lagu taageerayo Dalalka aadka ugu nugul isbeddelka cimilada ayaa hadda halis ugu jira iney soo gungaanadaan iyadoo aan la helin heshiis macno leh…

Dalalka soo koraya ayaa si adag u diiday xirmo gargaar cimilo oo dhan $250-Billions oo la soo jeediyay, iyagoo ku doodaya iney aad uga yar tahay codsigoodii $1.3 tiriliyan. “Waxaa naloo soo bandhigay qayb yar oo ka mid ah wixii dunidu ku bixisay dagaalka sanadkii la soo dhaafay,” ayay tiri Ergeyga cimilada Jasiiradaha Marshall Tina Stege.

Wakiilada Afrikaanka iyo Laatiin Ameerika ayaa si gaar ah u hadlay, Cali Maxamed, oo ah Gudoomiyaha kooxda gorgortanka Afrika, ayaa ku dhawaaqay soo jeedinta “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” isagoo ka digay iney horseedi doonto “khasaare nafeed oo aan la aqbali karin.” Ergeyga cimilada Panama Juan Carlos Monterrey Gómez ayaa ku nuuxnuuxsaday ku filnaansho la’aanta, isagoo xusay in $250 bilyan “ay waxba noqonayn markaad u qaybiso dhammaan Wadamada soo koraya.”

Shir madaxeedka, oo ay horeba hareeyeen Hogaanka Dalka martigeliyey ee Azarbijaan oo Dowlad kali-talis ah majaraha u heyso kuna tiirsan Saliinda ceyriin ayaa wajahaysa dhaleecayn dheeraad ah oo ku saabsan qaab-dhismeedka maalgelinta la soo jeediyay, Waddamada soo koraya waxay dalbanayaan in ugu yaraan kala bar taageerada ay noqoto gargaar toos ah halkii ay ka ahaan lahayd dayn, taasoo culays dheeraad ah ku keeni karta Dalalka dhaqaale ahaan jilicsan.

Iyadoo ay sii kordhayaan Masiibooyinka Cimilada Aduunka oo ay ku jiraan duufaanno dilaa ah oo dhowaan ka dhacay Filibiin iyo Honduras, iyo Daadadka taariikhiga ah ee Spain saamiyadu ma noqon karaan kuwo sare, Guuldarada shirku waxay dib u dhigi kartaa go’aanada waxqabadka cimilada ee xasaasiga ah.

350620cookie-checkKulan-Madaxeedka Cimilada ee Magaalada Baku COP29, oo Qarka u saaran Fashil..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com