Miyuu Deni Derbiga Soo Taabtay Xilli uu Ku Dhawaaqay Guddi Wada Xaajoog Khilaafka Taagan..

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Garoowe ka taagnaa khilaaf la xiriira qabashada Doorashada si nabad iyo wadar oggol ah una dhaxeeya Saciid Deni Madaxweynahs muddo xileedkiisu dhamaadka yahay iyo Garabyada Mucaaradka, xiisada ayaa gaartay hub uruursi iyo abaabul…

Iyadoo xiisada ay ka dhalatay in Shacbiga ku nool magaalada Garoowe ay intoodii badneyd ay ka qaxaan, baaqyo badan kadib ayuu Mr.Deni oggolaaday inuu dhiso Guddi wada xaajood la gala Garabyada Mucaaradka, iyadoo laga hadlaayo khilaafka ka taagan Doorashada Madaxtinimada iyo midda Xildhibaanada.

Dhismaha Guddigaan oo ka kooban 7-Xubnood waxaa hormuud u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Falanqeeyayaasha Siyaasada ayaa la sheegay iney ku kala qeybsameen ka faaleynta Guddigaan, iyadoo Qaarkood ay sheegeen in Magacaabistaan ayaa ku sifeeyay dhamaadka Mashruucii Boobka doorashada uuna Deni derbiga soo taabtay, halka qaar kale ay caddeeyeen inuu yahay boor isku qarin doorasho boob ah uu qorsheystay.

Waxaan shaki ku jirin in Puntland ay foolaneyso diyaarna u tahay iney dhacaan isku dhacyo iyo rabshado dhiig ku daata, hadii aan xal deg deg ah laga gaarin masiirka doorashada ka hor 8-da Jenaayo, taasoo waji gabax ku noqoneysa hanaanka jilicsan ee xukun wareejinta, iyadoo Khilaafka ka dhasha uu joogto noqday loona baahan yahay in xal wadar oggol ah laga gaaro xeerar adagna loo dhigto.

289900cookie-checkMiyuu Deni Derbiga Soo Taabtay Xilli uu Ku Dhawaaqay Guddi Wada Xaajoog Khilaafka Taagan..