Muslimiinta Caalamka oo Maanta soomaya Maalinta 1-aad ee Bisha Barakeysan Ramadan..

Somalia news World

Waxaa Maanta oo ah 11-ka bisha Marso, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sanadka 1445-ka Hijrada u bilaawday inta badan Muslimiinta Caalamka bisha kheyrka badan ee Ramadan, iyadoo laga arkay meelo badan oo ay ku jirto Somalia marka laga reebo degaanada Puntland..

Bishaan oo Rabi ku waajib yeelay iney Soomaan, falaa’iisha Bishaan Barakeysan waxaa ka mid ah in Rabi uu u Dembi dhaafo, waxaa Ilaahey furaa Albaabada Jannada, waxaa kaloo furan Raxmada Rabi, iyadoo la xiro Albaabada Naarta ku darsoo Sheydaanada ayaa la xiraa.

Ramadaanta ayaa waxey ka mid tahay Rukunada adag ee Diinta Islaamka, iyadoo lagu wado in Muslimiin gaaraya tiradooda 1,8-Bilyan iney Bishaan soomaan inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah Muslimiinta ay heystaan caqabado waxaana ka mid ah Muslimiinta Falastin oo Barakeysan La kowsanaaya Duqeynta iyo go’doominta Ciidamada Yuhuuda.

Bahda Warsidaha Diinah.com news waxaan Muslimiinta Aduunka ugu hambalyeyneynaa Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadan, iyadoo kuwa culeysyada heysta Rabi uga baryeynaa inuu ka qaado.

313850cookie-checkMuslimiinta Caalamka oo Maanta soomaya Maalinta 1-aad ee Bisha Barakeysan Ramadan..