Kulanka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay & Khudbadaha Hogaamiyayaasha…

Politics World

Waxaa Maanta oo Talaada ah lagu wadaa in ay si rasmi ah magaalada New York uga billowdaan khudbadaha Hogaamiyaasha Aduunka ay ka jeedin doonaan kaasoo sanadkiiba mar la qabto, Shirweynaha Golaha Guuda ee QM ayaa ku soo beegmaaya xilli au xasarado colaadeed ka taagan yihiin Mandiqada Bariga Dhexe iyo Ukraine…

Kulankaan oo ah kii 79-aad, ayaa waxaa ka qeyb galaaya kana hadli doona 76 Madaxweyne, 4-Madaxweyne ku xigeen, 2-Amiir, 42-Madax Dowladeed, 9-Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyo 54 wasiir, Madaxda maanta ka hadleysa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo Madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa.

Kulankan Sanadkaan waxaa si gaar ah looga hadli doonaa Dagaalka ka holcaaya Gobolka Bariga dhexe ayna ugu horeysa xasuuqa ka socda (Gaza)Dalka Palastine iyo Duqeymaha lagu hayo Dalka Lebanon kaasoo laga cabsi qabo inuu u gudbo Dalalka Syria, Giordan iyo Iran, iyadoo sidoo kale laga hadli doonaa Dagaalada Sudan, Ukraine & Xiisadaha Colaadeed iyo Dhul boob ee u dhaxeeya Somalia iyo Ethiopia.

344240cookie-checkKulanka Guud ee Golaha Qaramada Midoobay & Khudbadaha Hogaamiyayaasha…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *