Maxaa Gudoonka & Guddiga Anshaxa Baarlamaanka ka Hortaagan iney Talaabo Sharci ka Qaadaan Xildhiibaanada Jebiya Shuruucda Dalka

Somalia news

Nidaamka Dowladeed Dalka Somalia oo weli ku guda jira marxalada kala guurka ayaa waxaad arkeysaa shaqsi (Muwaadin) uu qaban karo Xilka Xildhibaanimo isla markaasna huwan Gudoomiye Guddiga Adeega Baarlamaanka uuna noqon karo mid u ololeeya oo dhiiri galiya Gooni isu taaga, iyadoo Madaxda Dalka ka gaabiyeen iney Dhowraan Shuruucda iyo Dastuurka ay u dhaarteen…

Sida muuqata Dowladda Federaalka waxey xiligaan wajaheysa qalalaase Dastuuri ah, iyadoo Maamulo Gobol ay dhegaha ka fureysteen iney ka qeyb galaan kulamada lagu saxaayo isla markaasna la isku waafajinaayo shuruucda iyo xeerarka, iyadoo baaqyo badan oo loo diray iney diideen isla markaasna ay Ajaaniibta ka aqbalaan.

Marka dib u milicsano Shaqsiyaadka u Ololeeya isla markaasna taageera kooxaha Gooni goosadka, waxey hilmaamsan yihiin in Dalku uu leeyahay Shuruuc ka mamnuucaya in dalka la kala gooyo sida ku cad Dastuurka KMG ah ee Dalka “Jamhuuriyada F. Somalia, Waa Qaran Madax banaan, Mideysan oo aan la kala qeybin karin Qof kasta oo lagu helo isagoo oo faafinaya “afkaarta Kooxaha Gooni goosadka ama inuu carqaladeeyo midnimada Dalka waxaa la la tiigsanayaa Maxkamada awooda u leh ee qaadista Sharciga uu baal maray.

Hadaba, Gudoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Anshaxa maxaa ka hortaagan iney Xilka ka xayuubiyaan isla markaasna ka eryaan Baarlamaanka Gabadha lagu magacaabo Nadra Cabdi oo kaga qeyb gashay Mudaaharaadkii ay 18-kii bishaan ku qabteen Kooxaha u ololeeya Gooni goosadka Gobolada Waqooyiga magaalada London.

247480cookie-checkMaxaa Gudoonka & Guddiga Anshaxa Baarlamaanka ka Hortaagan iney Talaabo Sharci ka Qaadaan Xildhiibaanada Jebiya Shuruucda Dalka