Kulanka Nairobi Iyo Ajandayaasha..

Politics

Waxaa lagu wadaa in maalinta Axadda ee bisha Maarso ay tahay 15, 2020 iney safar ku tagaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mr.Farmaajo iyo Abiy, halkaasi oo kulan seddex geesood ah ku dhex mari doono madaxda Dalalka Ethiopia, Kenya iyo Somalia maalinta Isniinta ah ee taariikhda tahay Maarso 16, 2020….

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in sida qorshu yahay iney ku kulmi doonaan Magaalada Nairobi Madaxweyne Sheekh Axmed Madoobe iyo Mr.Farmaajo, iyadoo ay dhex dhexaadin doonaan Kenya iyo Ethiopia.

Agendaha kulanka ayaa waxaa ku jira qodobo horay looga ballamay waxayna kala yihiin:-

  1. In Madaxweyne Farmaajo uu kala baxo ciidamada uu keenay xuduudadda ee duulaanka ku ah Jubbaland.
  2. In labada dal ay joojiyaan dacwadaha ay isugu gudbinayaan Qaramada Midoobay iyo in labada dhinac ay joojiyaan farriimaha la isku marsiiyo saxaafadda.
  3. In Madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in kiiska Badda ee Soomaliya iyo Kenya wada hadal lagu xaliyo iyadoo labada dal ay wakiilanayaan urur goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Afrika.
  4. In si caadi loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal sida ugu dhaqsaha badan.
  5. In MW Farmaaajo uu ogolaado isla markaana aqoonsado maamulka Jubbaland.

Bishan aaynu ku jirno 10keedii ayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu u diray wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirkiisa arrimaha gudaha, Fred Matiang’i, caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Ujeedka Safarkaas ayaa aha in lala wadaago RW itoobiya ajendaha kulanka labada Madaxweyne ee lagu heshiiyay.
21850cookie-checkKulanka Nairobi Iyo Ajandayaasha..