Kulankii Ethiopia & Somalia ee Turkiga Dhexdhexaadinaayeen oo ku soo Dhamaaday Natiijo La’aan..

Africa News Somalia news World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulankii ay garwadeenka ka aheyd Dowlada Turkiga una dhaxeeyay Wasiirada Arrimaha Dibeda ee Ethiopia iyo Somalia kaasoo la doonayay in hoos loogu dhigo Khilaafka u dhaxeeya labada Dal ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan…

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Kulankaan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Dowlada Ethiopia oo qorshaheedu ahaa “Ku Qabso ku Qadi meyside” ayaa Dadaaladeeda marsiisatay Dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay iney dhexdhexaadiyaan iyaga iyo Dowlada Federaalka Somalia, qoraalo ka soo kala baxay Wasaaradaha arrimaha dibeda ee Turkiga iyo Somalia ayaa lagu xusay iney wada xaajoodka ahaayeen kuwo aan toos aheyn oo loo kala dab qaadayay labada dhinac.

Iyadoo Ergada Dowlada Somalia ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee ay sida sharci-darrada ah Ethiopia ula saxiixatay Somaliland, wuxuuna ku soo dhamaaday fashil inkastoo lagu balamay in 2-da Bisha Septembar 2024 dib la isugu soo noqon doono.

Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in hadafka ugu weyn ee Kukankaan uu ahaa in la muujiyo iney wada hadalo bilaawdeen si hoos loogu dhigo xaraarada iyo xiisada u dhaxeysa labada Dal oo cadaadis xoogan kala kulmaayaan Xulafadooda iyo Saxiibadoida Caalamka.

334170cookie-checkKulankii Ethiopia & Somalia ee Turkiga Dhexdhexaadinaayeen oo ku soo Dhamaaday Natiijo La’aan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *