Lamaane Ka mid Noqday Maamulka Jigjiga (Ethiopia)

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Maamul cusub oo uu soo dhisay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa waxaa kasoo dhex muuqday dawladda uu soo dhisay, lammaane markii hore ku midoobay nolosha, haddana isugu yimid siyaasaddii degaanka…

Lamaanahan oo lagu kala magacaabo Warsan Cawil iyo Abokor Daakir ayaa loo kala magacaabay Wasiir iyo ku xigeen laba xafiis, iyadoo Warsan laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Macdanta degaanka Soomaalida, halka saygeedana oo ah Abokor Daakir loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Talaabadaan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah in lammaane markii hore ku midoobay nolosha iyo guri, haddana ay isugu yimaaddaan siyaasaddii degaanka, waxayna arrintani noqotay mid dadku aad u hadal hayaan.

147370cookie-checkLamaane Ka mid Noqday Maamulka Jigjiga (Ethiopia)