Korarka Amni darrada Caasimad iyo Gaabiska Hey’adaha Amaanka..

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhac ku yimid xaalada Amni ee Caasimada, iyadoo ay soo baxaayaan Warar sheegaya in Tiro badan oo Maleeshiyaad ah iyo Gaadiid Qaraxyo ku raran la soo geliyay gudaha magaalada kuwaasoo laga cabsi qabo iney waxyeelo u geystaan Shacbiga…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in 3-5 Gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay la soo geliyay gudaha magaalada, iyadoo laga soo saaray digniino Amaan, cabsidaan ayaa soo baxay kadib markii uu amar uu Gobolka soo saaray ku sheegeen in la diiwaan gelin doono Garaashyada la isticmaalo iyo goobaha lagu xareysto Gadiidka, gaar ahaan Degmooyinka iyo degaanada dhaca daafaha magaalada sida; Kaxda, Dharkenley, Deyniile, Daaru-Salaam, Yaaqshiid, Garasbaaley, Heliwaa iyo Gubadley.

Amarkaan ayaa sameyn ku yeeshay Mulkiilayaasha Guryaha aan la daganeyn iyo kuwa darbiyada ku wareejisan waxaa looga digay in dhexdooda laga diyaariyo/fuliyo falal lidi ku ah amniga, sida in Bam laga soo dhex tuuro ama in lagu dhex farsameeyo Walxaha qarxa, iyadoo labadii maalmood ee i dambeeyay tiro badan oo Dhalinyaro ah laga qabtay Degmooyinka Yaqshiid, Dayniile, Wardhiigley, Hodan iyo Wadajir.

Dhanka kale Maamulka Xasan Sheekh ayaa Mushaaraadkii bishan oo habeen hore u soo dhacday Ciidamada Qaarkood uu hoos u dhac ku yimid, Askarigii horey loo siin jiray 300-US$ ayaa bishaan loo soo tuuray 279-US$, sida ku cad Massage-ka loo diray mid ka mid ah Ciidamada Dowlada.

273880cookie-checkKorarka Amni darrada Caasimad iyo Gaabiska Hey’adaha Amaanka..