Kulankii Kampala ee TCC Oo lagu Heshiiyay in la Kordhiyo Tirada Ciidamada..

Africa News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii ay Magaalada Kampala ku yeesheen Dalalka Ciidamada ku yaboohay ee Howlgalka AUSSOM ee Somalia, kuwaasoo uga dooday xaalada taagan ee dib u isu abaabulka Maleeshiyaadka Shababka iyo tirada Ciidamada AUSSOM oo lagu baaqay in la kordhiyo si baahida jirta loo daboolo..

Wararka ayaa sheegaya in 5-ta Dal oo ka mid ah Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Somalia ayaa ku baaqay in loo baahan yahay 8000 oo Askari oo dheeraad ah si ay wax uga qabtaan xaaladda amaan ee Dalka ku soo korortay, loogana fogaado guulihii laga gaaray howlgalladii hore dib u fhac ku yimaadaan, Hogaamiyayaasha Dalalkaan. ayaa soo jeediyay in la kordhiyo tirada Ciidamada oo markii hore lagu heshiiyay iney noqdaan 11900-Askari.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo tixgeliyo ciidamo laba geesood ah si loo kordhiyo taasoo albaabka u furaysa wadamada sida Turkiga ah inay ku biiriyaan ciidamo, Masar waxay ku biirtay Dalalka Uganda, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia oo ah Dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia (TCCs). Ethiopia waxaa hore uga joogay kumannaan ciidamo ah oo u shaqeeya qaab laba geesood ah.

369660cookie-checkKulankii Kampala ee TCC Oo lagu Heshiiyay in la Kordhiyo Tirada Ciidamada..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *