Ma Dhabaa in Ciidamo Dowlada ka tirsan ay la Baxsadeen Gaari Qori ku xiran yahay Xageysa la Galeen…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Ciidamo ka tirsan kuwa la magac baxay Ilaalada Qaranka oo fariisinkoodu ahaa Gobolka Shabeelada dhexe ayaa Habeenkii Ciidul-Fidriga soo galeysa ay la soo baxasadeen Gaari Land cruiser pickup ah oo qori Dhashiike ah ku xiran yahay…

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigaan uu Taliye ka ahaan Shaqsi kasoo jeeda Beesha Abgaal halka Darawalkana la sheegay inuu Beesha Mareexaan ka soo jeedo, iyadoo uu gaari ku xirnaa Qoriga Lidka diyaaradaha ee dhashiikaha ah, waxaa kaloo la xaqiijiyay in laba qori oo BKM ah ay la baxaasadeen kooxdani oo Isbaarooyinka B/weyne iyo Matabaan xoog ku mareen.

Waxeyna gaareen Magaalada Cabud waaq ee Gobolka Galgudud, iyagoo Gaariga iyo qoryihii ka iibsaday Ganacsato ka soo jeeda Beesha Mareexaan, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 2-BKM laga siistay halka aan la aqoonin Gaariga, Dhashiikaha iyo tiro qoryo Ak-47 la kala siistay, Askartaan baxsadka ah ayaa weli ku sugan Magaalada iyagoo doonaya iney tahriib ku aadaan Dalka Ethiopia ugana sii gudbaan Dalalka Sudan iyo Libya.

320930cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamo Dowlada ka tirsan ay la Baxsadeen Gaari Qori ku xiran yahay Xageysa la Galeen…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *