Heshiis Saameyn Ku Leh Xeebaha Somalia Oo la Kala Saxiixday

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in dhowaan ay kala saxiixdeen heshiis saameyn ku leh xeebaha Somalia ay kala saxiixdeen Iskaashi ay cusbooneysiinayaan Amaanka xeebaha Ee Dowladaha Kenya Iyo Denmark, kaasoo socon doona 5-sano Ee soo socota…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibeda Ee Kenya ay ka codsatay Baarlamaanka dalkaasi iney ansixiyaan heshiiskaasi, kadib markii ay soo gudbiyeen Golaha Wasiirada, heshiiskaan ayaa la gaaray 27-kii bishii September 2018-kii, heshiiskaan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay sidii loo furi lahaa dugsi lagu tababaro Ciidamada Badda Kenya.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah Heshiiskaan sidii Maamulka Nairobi looga caawini lahaa iney la tacaasho Kooxaha Argagixisada, Burcad badeedka, Dembiyada Abaabulan, ka ganacsiga Daroogada iyo iskaashi ka yeeshaan labada dal, waxaana la sheegay in tuhun badan uu ku xeeran yahay heshiiskaan loona baahan yahay in si daah furan loo qeexo.

Dowladda Kenya oo 10-kii sano u dambeysay Waxey dhibaato xoogan u geysatay Dadka rayidka ah ee degan Gobolada Gedo, Jubada dhexe iyo Hoose, iyadoo dhibaatadaasi xitaa ay saameyn ku yeelatay Dadka rayidka Ee degan Degaanada Waqooyiga-bari Ee Kenya.

Qalin ku duuga Heshiiskaan ayaa ku soo hagaagay iyadoo labada dal Ee Somalia iyo Kenya ay hor tageen Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Dalka Holland, si go’aan looga gaaro Xeebaha Somalia oo ay sheegatay Kenya, iyadoo loo balansan yahay bisha Juun 2021.

69620cookie-checkHeshiis Saameyn Ku Leh Xeebaha Somalia Oo la Kala Saxiixday