Laamaha Amaanka Kenya oo Ku Eedeeyeen Xoogaga NISA Somalia Weerar Khasaare Geystay..

Africa News Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay xuduuda u dhaxeysa labada Dal ( Kenya & Somalia), kadib markii Xoogag ka tirsan Hey’adda NISA ay rasaas la beegsadeen tiro Ciidamo Boliis ah oo xiligaasi ku sugnaa Xuduuda..

Wararka ayaa sheegay in mashaqadaan ay dhacday shalay waxaan lagu dilay Constable Dennis Omari halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaastaasi, Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa laga furtay Ciidamada Amaanka Kenya, kuwaasoo gacanta u galay Xoogaga Hey’adda NISA, iyadoo Saraakiisha Amaanka Kenya Falkasni ku tilmaameen xadgudub iyo meel ka dhac lagu sameeyay Qaranimada Kenya, waxeyna dalbadeen in talaabado laga qaado shaasiyaadka ka dambeeyay.

Iyadoo Boliiska Kenya ay dheegeen in Labada Qori ee laga furtay ay kala ahaayeen qori nooca G3 ah (lambarka A00708) oo ay la socdeen 60 xabbo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaalkii la dilay, iyo qori AK-47 ah (lambarka 5501352) oo ay la socdeen 30 xabo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaal ka tirsan Kaydka Boliiska Qaranka, Weerarkaan Boliiska Kenya la xiriiriyeen xarigga labo Eedeysane oo lagu eedeeyay isku-day afduub oo la doonayay in lagula kaxeysto shaqaale Chinese ah oo ka shaqeynayay Mashruuca Bulaacadaha ee magaalada Mandera.

Wararka ayaa sheegay in dadaal badan kadib la soo celiyay Fiidnimadii xalay (Jimcaha), qorigii G3 ayaa lasoo celiyay, balse baaritaanka lagu raadinaayo qorigii AK-47-ka wali wuu socdaa, Dhacdadan Jimcaha ah waxay kusoo beegantay iyadoo ay jireen warar sheegaya in weeraro argagixiso lagu bartilmaameedsanayo makhaayadaha cuntada ee Mandera.

364060cookie-checkLaamaha Amaanka Kenya oo Ku Eedeeyeen Xoogaga NISA Somalia Weerar Khasaare Geystay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *