Maxaa Ka Soo Kordhay Dagaalka beeleed Ee Degaanka Saax-Meygaag

Somalia news

Muddo 2-3 maalmood ah ayaa waxaa degaanka Saax-Meygaag ku dagaalamaaya Maleeshiyaad beeleedyada ka soo kala jeeda Beesha Majeerteen (Maxamed Ugaar) iyo Dhulbahante (Ugaasyada), waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalkii u dambeeyay dhinaca Maleeshiyaadka Beesha Majeerteen waxaa uga geeriyooday 8-Nin halka dhaawaca soo gaaray la sheegay iney kor u dhaafayaan 12-qof kuwaasoo la dhigay Isbitaalka Magaalada Garoowe.

Maleeshiyaadka Beesha Dhulbahante ayaa la sheegay in dagaalkaasi kaga dhinteen 8-Maleeshiyaad halka 14-kale kaga dhaawacmeen, Wararka ayas sheegay in dagaalkii u dambeeyay ay ku itaal sheegteen Beesha Ugaasyada, iyadoo uu dagaalka ku soo biiray Mahad Cambashe Oo Horjooge u ah Maleeshiyaadka Magaalada Laas caanood heysta, wuxuuna keenay 14-gadiidka dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dagaalkaan ka socda Tuulada Saax-meygaag kan ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo mid qorsheysan Oo lagu wado inuu ka dhaco Magaalada Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ah qorshe lagu mashquulinaayo Saciid Dani hankiisa Villa Somalia, iyagoo Colaada Saax-meygaag ay tahay khatar sokeeye Oo sii kala fogeyn karta Beelaha Dhulbahante iyo Majeerteen, waxaana ka faa’iideysan doona Maamulka Hargeysa.

159850cookie-checkMaxaa Ka Soo Kordhay Dagaalka beeleed Ee Degaanka Saax-Meygaag