Mas’uuliyiin Shirqool Qarax Ka Badbaaday

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay ku fashiliyeen Ciidamada Amaanka qarax la soo dhigay agagaarka Saldhiga Boliiska ee Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo qaraxa la sheegay in la doonayay in lagu dhibaateeyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Galguduud….

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Madaxa Amaanka Saldhigga Boliiska Dhuusa mareeb Mr.Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka Degaanka ay qaraxaasi ku soo wargeliyeen laamaha ammaanka, sidaasina ay uga hawlgaleen.

Wuxuuna sheegay “ Goobta lagu duugay Miinada ayuu sheegay in 200-mitir ay u jirto Saldhigga Boliiska, Gudoomiyaha Degmada, aniga iyo Saraakiisha Ciidamada Boliiska waa meel aan mar walba taggi jirnay”, waana qorshe Fashilmay, “Barnaamijka waxaan u aragnay mid looga faa’iideysanayo taggitaankii aan taggi jirnay, laakiin Alle mahadii ayaga dhagartoodii anaga taanadiiyaa ka sahlanaatay oo anagaa kala hormanay oo fashilinay.” Ayuu yiri.

Sarkaalkaan ayaa xusay in cadowga ay suurtagal tahay inuu la jooggo Magaalada Dhuusamareeb, isagoona shacabka deegaanka ka codsaday inaanay guryahooda ku haysan, kuna soo wargeliyan hay’adaha amniga, si ay sharciga ula tiigsadaan.

76850cookie-checkMas’uuliyiin Shirqool Qarax Ka Badbaaday