Ma Dhabaa in Abaabul Dagaal & Cabsi ay ka Taagan tahay Degmada Ceerigaabo & Sababta…

Security Somalia news

Warar hordhac ah oo laga helay Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dhiilo colaadeed kyo Xaalad kacsanaan laga dareemay magaalada, iyadoo mararka qaar laga maqlayo rasaas goos goos ah agagaarka Suuqa-hoose, halkaasoo Saakay la dhoobay Maleeshiyaadka iyo gaadiid dagaal…

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadaan ay timid kadib markii xalay xilli dambe uu mid ka mid Maleeshiyaadka Beesha Isaaq uu weerar ku ku dilay mid ka mid ah Dhalinyarada magaalada oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, wixii ka dambeeyay waxaala is dhaafsaday rasaas oo lagu dhaawacay laba Dableyda Beesha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Wiilka la diley lagu magacaabi jiray Salmaan Aadan Cabdi, kaasoo isagoo dhaawac ah la geeyey Isbitaalka Guud ee Degmada ayaan darrose Horgalada Somaliland ayaa waxey xireen Ninkii Gaariga ku waday, iyadoo Wiilkii Dhaawaca ahaa uu halkaasi dhiig-bax ugu dhintay, sida ay inoo sheegeen ilo-lagu-kalsoonaan-karo, Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaan cago badan ku taagnayn.

341170cookie-checkMa Dhabaa in Abaabul Dagaal & Cabsi ay ka Taagan tahay Degmada Ceerigaabo & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *