Ma Dhabaa in Adeega Xawaaladaha ee loo Diro Kenya & Uganda ay Noqdeen Isha Kobaca Dhaqaalaha Dalka..

Africa News Somalia news

Dirista iyo Qaadashada Lacagaha Xawaalada ee Dalka Somalia ayaa Horyaal u noqotay kadib markii ay kordheen dhaqaalaha ka soo xarooda xawaaladaha loo diro Dalalka Kenya & Uganda oo Dalkaan ay ka joogaan shaqaale badan, iyadoo lagu qiyaasay macaashka laga faa’iiday in ka badan 180 Millions US$ iyo 21.9 Millions US$ sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed…

Sida ay tilmaameyso xogo loo qaateen ah oo ku sugan magaakada Muqdishu, in ka badan 35,000 oo Shaqaale u dhashay Dalka Uganda ayaa ku sugan Gobolada Dalka, kuwaasoo u soo xawila lacag u dhaxaysa 50,000 ilaa 60,000$ maalintii, marka la barbar dhigo Muwaadiniinta Kenya oo celcelis ahaan dirista Xawaaladaha ay yihiin Nus Millions US$, waxaana ka xoogsada Dalka tiro kor u dhaafeysa 30-Kun oo Shaqaale iyo Howlwadeeno, iyadoo la filaayo iney tiradaasi kordhaan 5-ta sano ee soo socota, waxaana sabab u ah in Somalia ay ku biirto Ururka Bulshada Bariga Afrika, taasoo damaanad qaadeysa isu socodka xorta ah ee Dadka iyo Ganacsiga.

Wararka ayaa sheegaya in Muwaadiniinta Kenyanku ay bixiyaan adeegyo xirfad sare leh balse lama faahfaahin xirfadahaasi waxa ay yihiin, ilo-wareedyadu waxay tilmaamayaan in badidoodu ay yihiin kuwa ka howlgala Shirkadaha gaarka ah, Samafalka, adeegyada iyo doorarka Maamulka Hoteellada iyo Martisoorka.

Warbixibtaan ayaa daaha ka rogtay in Muwaadiniinta Uganda ay ka shaqeeyaan shirkado Amaanka ee gaar loo leeyahay si ay u bixiyaan adeegyada khaas ah, sida ka howlgelida CCTV-ga iyo adeegyada sahamineed ee Hoteellada ugu sarreeya Dalka, Xarumaha Dukaamaysiga, qeybaha kireynta Gaadiidka, Guryaha Diblamaasiyiinta iyo Hey’adaha Samafalka.

Somalia iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa sawir rajo leh ka bixinaya dhaqaalaha sanadkaan si loo xoojiyo iyadoo kobaca GDP dhabta ah ee Somalia la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba, iyadoo dib loo eegayo dib-u-habaynta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo Hagaajinta Qulqulka dhaqaalaha ka soo xarooda xawaaladaha, sida laga soo xogtay Hay’adda Lacagta Adduunka.

324140cookie-checkMa Dhabaa in Adeega Xawaaladaha ee loo Diro Kenya & Uganda ay Noqdeen Isha Kobaca Dhaqaalaha Dalka..