Isku Shandheyn Lagu wado in lagu Sameeyo Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in kadib markii Madaxweynaha Somalia uu ku fashilmay inuu Dowladii ku dhawaad uu sanad ka hor soo dhisay ay ka bixi weysay khilaaf dhexdeeda ah iyo Culeyso kaga imaanaya Beelaha qaarkood oo ku Eedeeyay inuu ku xad gudbay Saami qeybsiga ayaa lagu wadaa inuu isbedel cusub sameeyo..

Wararka ayaa sheegay in Isbedeladaan oo dhici doona qiyaastii bilaha March ilaa April, ayaa si weyn u saameyn doona Wasiirada Federaalka iyo Xilalka kale ee Dowladda, kuwaas oo isugu jira xil ka qaadis iyo magacaabis cusub, Sida ay xogtu cadeynayso Wasiirada arrimaha Dibadda, Gudaha, Qorsheynta, Duulista Hawada iyo Shidaalka ayay isku-shaandheyntu saameyn doontaa iyo tiro Wasiiru Dowlayaal.

Laga soo bilaabo markii la doortay Madaxweynaha 15kii May, 2022, waxey dawladdiisu wajahaysay Khilaaf dhexdooda ah, dib u dhac iyo guux aan dhamaan iyo isqabqabsi saameeyay ilaa Xafiisyada Madaxtooyada, kuwaasoo u dhexeeya kooxaha damu-jadiid, Daljirka iyo qoyska Madaxweynaha.

Isqabqabsiga ayaa intiisa badan salka ku haya arrimaha boobka Dhaqaale, gaar ahaan hanashada mashaariic horey u jiray oo dad cusub doonayaan in loo xiro iyo kuwo cusub oo qoyska Madaxweynaha iyo saaxiibada ku dhow tartan ugu jireen, waxeyn horseeday in Shacbiga ay ka niyad jabaan halka kooxaha Mucaaradka ay abaabulayaan in Bisha 6-aad ah Kulan balaaran ku qabsadaan magaalada Nairobi oo lagu dhisi doono Dallad ay ku mideysan yihiin.

246250cookie-checkIsku Shandheyn Lagu wado in lagu Sameeyo Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com