Ma Dhabaa in Afhayeenkii Farmaajo Uu Ka Cararay Mogadishu

Somalia news

Ilo xogagaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Wasiirka Warfaafinta Maamulka xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uu safar qarsoodi ahaa ku aaday Magaalada London ee Caasimadda dalka UK….

Xubno ku dhow Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta in Wasiir Dubbe uu qaatay fasax gaaban, isla markaana uu ku doonayo in Ehelkiisa oo ka degan London uu lasoo Ciiddo, safarka Dubbe ayaa kusoo aaday, xili dalka uu galay Isbedel siyaasadeed, kadib markii Farmaajo uu Arrimaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’iisu Wasaare Maxamed Rooble.

Mr.Dubbe ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa shaqsiga kaliya ee difaacayay siyaasadda Maamulka Fashilmay ee Farmaajo gaar ahaan muddo kordhintii la sameeyay, balse Xildhibaanada muddo ka dhamaatay ay dib uga laabteen, dibna u soo celiyay heshiiskii 17-kii September.

116150cookie-checkMa Dhabaa in Afhayeenkii Farmaajo Uu Ka Cararay Mogadishu