Nabadoon Lagu Dilay Degaanka Raage Ceele

Somalia news

Warar dhiilo xambaarsan ee naga soo gaaraya Degaanka Raaga-ceelle ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa soo sheegaya in Dabley ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka ay dileen Nabadoon Axmed Jilcane, oo ay saakay arroortii ka Afduubteen degmadaasi….

Wararka ayaa intaasi raaciyay in sidoo kale Dableydaan ayaa gubay laba gaari nooca Noah ee uu lahaa Marxuumka, Dhinaca kale, waxaa magaalada gaaray ciidamo uu hogaaminayo Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Guddoomiyaha degaanka Cumar Cali Nuur.

Xaalad cabsi ah ayaa ka jirta degmooyin badan oo ka tirsan Sh/Dhexe kadib markii ay ka soo baxeen intii badneyd Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo haatan ku sugan Magaalada Mogadishu waxeyna ka gadoodeen muddo korarsigii ay sameeyeen Golaha Shacabka, kaasoo ay shalay ka laabteen Xildhibaanada.

116180cookie-checkNabadoon Lagu Dilay Degaanka Raage Ceele