Hogaamiyayaasha ismaamulka Garissa Oo Qeylo dhaan ka soo Saaray Korarka & Isticmaalka Maandooriyaha..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha ismaamulka Garissa ee Dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay isticmaalka iyo iibinta maandooriyaha oo sare uga kacay Degmada, iyagoo sheegay iney sabab u tahay falalka amni daro ee ka jira Gobolka, gaar ahaan dhalinyarada…

Xildhibaanka laga soo doorto Magaalada Garissa ahna Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Kenya Aadan Ducaale oo ka hadlay ayaa ku nuux-nuuxsaday in aan loo dulqaadan karin isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaqan xumada magaalada ku soo badaneysa, Wuxuu carabka ku dhuftay in Dhalinyarada ku howlan isticmaalka maandooriyaha ay halis ku yihiin Amaanka magaalada.

Maamulka Garissa ayaa ku baaqay dadaal mideysan oo lagula dagaalamayo isticmaalka Maandooriyaha iyo Khamriga, iyagoo qiray doorka kicinta ee wanaagsan ee kuna aadan kaalinta bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Culumada, Waxey kaloo ay xuseen in isbeddelka ku yimid hab-nololeedkii bulshada, ee isticmaalka maandooriyaha oo ay ka mid tahay Shiishada sigaarka lagu cabbo Soomaalida dhexdeeda, taasoo markii hore aan caadi ahayn gobolka Garissa.

314930cookie-checkHogaamiyayaasha ismaamulka Garissa Oo Qeylo dhaan ka soo Saaray Korarka & Isticmaalka Maandooriyaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com