Ma Dhabaa in Burcad Badeed ay Degaanada Xeebaha Ka Afduubteen Markab Kaluumeysi..

Security Somalia news World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Afduub ay u geysteen Markab Kaluumeysi iyo shaqaalihii saarnaa koox burcad badeed ka soo jeeda Degaanada Puntland sida ay baahiyeen Ciidamada EUNAVFOR afduubka ayaa ka dhacay xeebaha Waqooyi-Bari ee Degaanada Puntland…

Wararka ayaa sheegaya in Koox ka kooban 18-Burcad Badeed hubeysan ay Afduubteen Markabkaan Kaluumeysi, wuxuu ku sugan yahay xeebaha degaanadaasi, ilaa hadda lama sheegin khasaare iyo dhaawacyo ka dhashay falka Afduubka, Ciidamada EUNAVFOR ayaa xiriiro joogto ah la leh Dowlada Federaalka iyo Saraakiisha China si Nabad ah loogu xaliyo Afduubkaan.

Afduubka markabka Chine ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Somalia, taasoo ka dhalatay iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marinka Bab el-Mandeb oo ku qasbay maraakiibta inay ku soo dhawaadaan xeebaha Somalia si ay uga badbaadaan weerarrada fallaagada Xuutiyiinta, Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in arrimahan oo kale ay badda Somalia ka dhigayaan kuwo u nugul burcad-badeednimada.

Burcad-badeedka Soomaalida ayaa weli ah caqabad halis ku ah maraakiibta caalamiga ah, gaar ahaan in ka badan 600 oo markab oo marq biyaha Somalia bishiiba – laba jibaar tirada la diiwaan geliyey sanadkii hore, Iyadoo Ciidamada Badda ee caalamiga ah ay sii wadaan ilaalinta gobolka, falanqeeyayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo xalal waara oo wax looga qabanayo xasilloonida dhaqaale ee Somalia, kaluumeysiga sharci darrada ah, iyo arrimaha Dowladnimada.

352180cookie-checkMa Dhabaa in Burcad Badeed ay Degaanada Xeebaha Ka Afduubteen Markab Kaluumeysi..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com