Puntland Oo Shaacisay Doorashada Kuraasta Qaarkood Oo Xasaasi Ah

Somalia news

Guddiga doorashooyinka Federaalka ee heer Goboleedka Puntland ayaa shaaciyay doorashada 10 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Federaalka Somalia, Kuwaasoo qaarkood la sheegay iney yihiin kuwo xasaasi ah…

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed (SEIT Puntland) oo fulinaya waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada doorashada 10 kursi oo kamid ah 37-da kursi ee ku asteysan dawladda Puntland”.

Guddigu wuxuu sheegay inuu dib ka soo sheegi doono jadwalka kala horreynta kuraasta la shaaciyay, Kuraasta la shaaciyay waxaa qaar ka mid ah hadda ku fadhiya Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xuseen iyo Cali Yuusuf Cali Xoosh, waana kuraas si weyn isha loogu hayo cidda ku soo bixi doonta, waxayna deegaan doorashadoodu kala tahay Garowe iyo Boosaaso.

10 kursi ayaa lambaradoodu kala yihiin HOP#169, HOP#166, HOP#128, HOP#200, HOP#235, HOP#223, HOP#249, HOP#232, HOP#094 iyo HOP#144.

158340cookie-checkPuntland Oo Shaacisay Doorashada Kuraasta Qaarkood Oo Xasaasi Ah