Horjooge Dembiyo Badan Geystay Oo Isku soo Dhiibay Dowladda Federaalka..

Somalia news

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Muran ka dhashay Horjooge ka tirsanaa Kooxda Argsgixisada Shababka una qaabilsanaa Gobolka Mudug kaasoo horey u geystay Dambiyo dilal xambaarsan uuna ka mid ahaa Shirqoolkii lagu dilay Saraakiil…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Horjooge Nuur-Deeq Cabdullaahi Maalinguur oo Madaxiisa la dul saaray 5-Millions US$, loona heysto inuu ka dambeeyay tiro qaraxyo dhowr ah oo galaaftay nolosha Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa C/casiis C/llaahi Qooje oo ahaa Taliyihii qeybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka, Maxamuud Yaasiin Tumey, Duqii hore ee Gaalkacyo, iyo Mukhtaar Cabdi Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Danab ee Gobolka Mudug, Wuxuu sidoo kale mas’uul ka ahaa qaraxii ka dhacay suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo bishii May 2020 ee lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Sanyare.

Xildhibaan Qaali Ali Shire oo isku beel yihiin ayaa Qoraal ay barteeda Bulshada ku difaacay Horjoogahaan waxeyna sheegtay inuu la mid yahay kuwo isa soo dhiiba Cafisna loo fidon doono, talabadaan ayaa u muuqata in xitaa Horjoogahaan xil laga siin doono Dowkada Federaalka ama tan Maamulka Galmudug.

274740cookie-checkHorjooge Dembiyo Badan Geystay Oo Isku soo Dhiibay Dowladda Federaalka..