Ma Dhabaa in Culeyso & Dalabyo UAE ay Dowlada Federaalka ku Saartay Xilkii Looga Qaaday…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa safar Qarsoodi ah oo Agaasimaha NISA ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo la sheegay in shuruudo adag oo la xiriira dib u hagaajinta xiriirka labada uu la yeeshay Saraakiil ka tirsan Dalkaasi loo gacan geliyay fulinta dalabyo dhowr ah ka hor hagaajinta xiriirka iyo soo celinta Dhaqaalaha ..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in UAE ay Villa Somalia ka dalbadeen in loo soo gacan geliyo dhamaan Macluumaadka la xiriira baarista iyo gungaarka dhibkii iyo bililiqadii lagu qaasay xerada Ciidamada Gordon iyo weerarkii khasaaraha geystay lagu qaaday Saraakiisha UAE, lagu soo wareejiyo Eedeysanaha falalkaasi abaabulkiusa gacanta ka geystay.

UAE ayaa sidoo kale weydistay Villa Somalia in la yareeyo Culeysyada Siyaasadeed/Dhaqaale ee lagu hayo Maamulada Somaliland iyo Puntland, waxey sidoo kale dalbadeen in Xilal loo magacaabo Cabdalla Cabdalla (Taliye kuxigeeenka Boliiska), isagoo lagu bedelay Gabadha Zakiya iyo Mr.Cabdirisaaq Imaaraad, Shaqsiyaadkaan oo xiriir dhow la leh Sirdoonka UAE, FlyDubai ayaa la sheegay iney soo laaban doonto marka shuruudahaan la fuliyo, Ogow Qoysks Madaxweynaha ayaa Share ku leh.

Ku darsoo Waxey Villa Somalia ka codsatay in Dhul laga siiyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mogadishu, kadib markii ay kordheen cabsida iyo argagaxa ay qaadeen Kooxaha Shababka iyo kuwa N&N oo 2-dii sano u dambeysa la sheegay iney iskaashi ka yeelanaayeen sidii weeraro loogu qaadi lahaa Danaha UAE ee Somalia.

331190cookie-checkMa Dhabaa in Culeyso & Dalabyo UAE ay Dowlada Federaalka ku Saartay Xilkii Looga Qaaday…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *