Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Qarax xoog leh oo ka dhashay khasaare nafeed aya goor sii horeysay ka dhacay Magaalada Mogadishu, iyadoo la sheegay in qof isku soo xirey Walxaha qarxa uu isku qarxiyay goobo Maqaayad ah, Sida ay sheegeen ilo wareedyo…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Qaraxaan uu ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa, Qofka is qarxiyay ayaa la sheegay in isku qarxiyay goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo dad rayid ah. Isgoyska Jubba ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo xarunta Nabadsugida.

Dhawaan ayaa qarax sidan oo kale uu uga dhacay goob ganacsi oo ku taal isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, iyadoo la la beegsaday Ciidamo isugu jira Boliis iyo Nabadsugida.

136420cookie-checkQarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Mogadishu