Horjoogayaal Shababka Ka Tirsan Oo Howlgalo Lagu Dilay

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Howlgalo amni xaqiijin ah oo ay Wadajir u fuliyeen Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga fuliyay deegaanada Araare, Koban, Lafaha-ragga iyo Xero –Shiid ee Gobolka Jubbada Hoose….

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in hawlgal lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Ururka Shabaabka, kadib markii iska caabin ay ugala horyimaadeen ciidamada, Mahad Mataan Buule, Gudoomiyaha Deegaanka Buulo-gaduud ayaa dhankiisa sheegay in hawlgal lagu dilay 10 xubnood, oo Saraakiil Shabaab ahina ay ku jiraan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in hawlgalku ahaa mid dhinaca amniga la xiriira, si deegaanada looga sifeeyo maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, Howlgalkaan ayaa la sheegay iney ka qeyb galeen Qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka ku sugan.

109180cookie-checkHorjoogayaal Shababka Ka Tirsan Oo Howlgalo Lagu Dilay