Ma Dhabaa In Dagaal-Siyaasadeedka U Dhaxeeya Mr.Faraamjo & Mr.Mdoobe Oo Sii Xoogeystay

Uncategorized

Iyadoo intii uu socday Kulankii Dhusa mareeb-2 ay yeesheen Kulamo wada tashi ah oo xiriir ah Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed madoobe, isla markaasna ay heshiis qabyo ah oo hordhac ah wada gaareen, ayaa weli waxaa muuqata ifafaalaha in dagaal siyaasadeedka labada dhinac uusan xili dhow la soo af jari doonin…..

Warbixino ay soo uruuriyeen Wariyayaasha Diinah.com news ayaa ayaa tilmaaamaya, in labada garab ee ku hardamaaya Gobolka Gedo aysan xiligaan diyaar u aheyn iney tanaasulaad la yimaadaan isla markaasna la dhameeyo Xiisada Colaadeed ee u dhaxeysa, iyadoo maalin ka hor imaatinka Sheekh Axmed Madoobe magaalada Muqdisho, ayaa Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee ku beesha ah Madaxweynaha waxey soo saareen Qoraal ay ku caddeynayaan ineysan hoos tegin Maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo iney Ciidamada Jubbaland ee ku sugan duleedka Degmada B/Xaawo Hubka soo wareejiyaan.

Talaabo jawaab u ah Dandaansiga Villa Somalia ayaa shalay Sheekh Axmed Madoobe qaaday kadib markii uu magaalada Muqdisho Wafdigiisa ku soo daray Gudoomayaha Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, Sarkaalkaasi ayaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Jubbaland ee la kulamy Wakiilada Beesha Caalamka, waxeyna dhacnadaasi sii kar-karisay Xiisadii u dhaxeysa Mr.Sheekh Axed Madoobe iyo Mr.Farmaajo, iyadoo waji cusub gelisay loolanka siyaasadeed iyo is-aamin-darada u dhaxeysa labada dhinac.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in  sadax maalin ka hor, ayaa Agaasime ku xigeenka NISA, Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan) uu ka degay garoonka magalaada Beled Xawo ee gobolka Gedo, isagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada iyo kuwa degaanka. Mr.Jiis Mariixaan ayaa horay ugu maqnaa dalka Turkiga oo uu in mudo ah uu ku sugnaa halkaas, sidoo kale 2-dii maalmood ee u dambeysay 3-Duulimaad diyaarad oo Cargo ah uu Saanad iyo sahay u siday Ciidamada Drgmada Beel xaawo ka degtay degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Khubarada odorasa Siyaasada gudaha ayaa ku tilmaamay dhacdooyinkii is diidan iney marqaati ka yihiin ineysan mustaqbalka dhow uusan jiri doonin in heshiis buuxa laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Mr.Farmaajo iyo Sheekh Axmed madoobe, iyadoo uu dhicisoobay heshiiskii qabyada ahaa ee lagu gaaray magaalada Dhuusa mareeb, Howlo adag ayaa hor yaala Carkowrga Danjiraha USA ee Somalia sidii uu dhinacyadaan heshiis u dhex dhigi lahaa, iskastoo lagu eedeynaayo inuu dhinac la safan yahay.

58230cookie-checkMa Dhabaa In Dagaal-Siyaasadeedka U Dhaxeeya Mr.Faraamjo & Mr.Mdoobe Oo Sii Xoogeystay