QM OO QABANAYSA SHIR CAALAMIYA OO KU SAABSAN ARIMAHA SOMALIA

Uncategorized

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ee loo soo gaabiyo UNSOM, ayaa Maanta oo Arbaco ah shaaciyay, in uu Lixda bishan September qaban doono Shirweyne Caalamiya oo ku saabsan Arrimaha Somalia….

Shirka oo ku qabsoomaya Muqaal-araga fog ee Khadka Internet-ka (Video Conference), waxa ka qayb-galaya Guddiyo ka tirsan Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyaasha Caalamiga ah iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera Somalia.

Shirka waxaa looga hadlayaa, Arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Waddanka iyo dhinacyada u baahan in laga taageero Shanta Sano ee soo socota, gaar ahaanna Horumarinta Dhalinyarada oo 60% ka ah Dadweynaha Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxay mudada Shirkaasi socdo hoosta ka xarriiqi doonaan dhinacyada u baahan in laga caawiyo Somalia shanta sano ee soo socota, si halkaas ay xoogga u saaraan hay’adaha taageera Horumarinta Waddanka.

58270cookie-checkQM OO QABANAYSA SHIR CAALAMIYA OO KU SAABSAN ARIMAHA SOMALIA