Wasaarada Shaqada Amar Joojin ah ka soo saartay Shaqaalaha & Xoogsatada Dibeda Loo qaado

Uncategorized

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Federaalka ayeey gebi ahaan ku mamnuucday in Dalka laga dhoofiyo Shaqaale Soomaaliyeed, si ay uga soo xoosadaan dalalka caalamka, kadib markii ay kordheen tacadiyada loo geysanaayo Shaqaalahaan gaar ahaan kuwa u xoogsi taga Dalalka Khaliijka…

Qoraalka ayaa lagu ayaa lagu xusay in wixii ka dambeeya 15-kii bishaan oo Talaadadii ku beegneyd la joojiyey in Dibadda loo diro Shaqaale ama Xoogsato Soomaaliyeed, Wasaaradda ayaa sidoo kale ku amartay dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha bixiya adeega shaqo-siinta in aysan shaqaale qoran karin dalkana ka dhoofin karin.

Tallaabadaan ayeey qaaday Wasaaradu kadib markii ay u cadaatay inay jiraan shirkado si sharci darro ah dalka uga dhoofiya shaqaale Soomaaliyeed, taas loo aysan ka war qabin wasaaradda shaqada kadibna ay dhibaato la kulmaan muwaadiniintaasi, Amarkan ayaa sidoo kale lagu socod siiyey hay’adaha ay quseyso, sida Hay’adda Duulista, Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Wasaaradda Amniga iyo wasaaradda Arrimaha Dibadda.

225810cookie-checkWasaarada Shaqada Amar Joojin ah ka soo saartay Shaqaalaha & Xoogsatada Dibeda Loo qaado
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com