Ma Dhabaa in Dowlada Federaalka ay ka Dalbatay Golaha Amaanka in la Baabiyo Xafiiska UNSOM

Somalia news World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal ay Dowlada Federaalka u gudbisay Gudoonka Golaha Amaanka iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo salka ku haya in la baabiyo oo meesha laga saaro Xaafiiska UNSOM, oo ah kan inta badan ay QM ka warsadaan xaalada Dalka…

Xafiiska UNSOM, waxaa madax u ah Ergayga gaarka ah ee QM uqaabilsanaada Somalia, kaasoo inta badan warbixinihiisa lagu dhiso go’aanada UN kasoo baxa, waxaana dalabka DFS ah ee ah in October sanadkan aan la dhaafin ay ka dhigan tahay, dhiiranaan xoog leh.

Haddii golaha Amaanka u codeeyaan, in howlaha UNSOM la joojiyo, waxay ka dhigan tahay in Somalia laga saaray chapter 7 oo ahaa in loola dhaqmo sidii dal aan madax banaaneyn, iskuna filneyn, talaabadaani oo mudan in la soo dhaweeyo.

325760cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Federaalka ay ka Dalbatay Golaha Amaanka in la Baabiyo Xafiiska UNSOM