Guddiga Farsamada Doorashada H/Shabelle Oo La Magacaabay

Somalia news

Kadib markii ay Kulan qarsoodi ah ku yeesheen Magaalada Muqdishu Madaxweynaha Hir-Shabelle iyo Kuxigeenkiisa oo dhinac ah iyo Agasaamiha NISA ayaa lagu heshiiyay in la magacaabo guddi soo diyaariyay qabanqaabada Doorashada Xildhibaanada iyo Madaxweynaha oo dhowaan dhici doonto…

Wararka hordhac ah ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Adeege Fahad Yasin uu u dhiibay Mr.Waare iyo Mr.Guudlaawe magacyada guddiga ka shaqeynaya doorashada HirShabelle ee lagu wado in ay magaalada Jowhar Laga qabto dhowaan.

Waxaana La qorsheeyay in Beelaha Abgaal la Siiyo Xilka Madaxweynaha, iyadoo la diyaariyay Mr.Xasan Xundubeeyay oo Horey Wariye hore ka ahaa Warbaahinta Al-Jasiiranews, Laguna xanto inuu u shaqeeyo Sirdoonka Qatar, iyadoo Maamulka Farmaajo u magacaabay Danjiraha Somalia ee dalka UAE, loona diiday in la Aqoonsado.

57340cookie-checkGuddiga Farsamada Doorashada H/Shabelle Oo La Magacaabay