Digniino laga bixiyay Dib u soo Nooleynta Colaadaha & Isbaheysiyada Dagaalada Sokooye

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorayshayaal gurcan oo gacamaha kula jiraan La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhanka Amaanka & Madaxa Hey’adda NISA, kuwaasoo doonaya iney isbedel ku sameeyaan Hogaanka Jubbaland, iyagoo adeegsanayaa Dagaal oogayaal hore…

Xogtaan ayaa sheegtay in Qorshahaan ay dejiyeen, la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne iyo Madaxa NISA oo ay la wadaageen tiro yar howlwadeeno ah, ayeey ku cadeeyeen tallaabada ay Madaxtooyada qaadi doonto oo ah mid si ku meel gaar waqti aan la cayimin maamul ciidan loo hoosgeynayo degmooyinka, si Axmed Madoobe looga hor istaago inuu mar kale dib iskugu soo sharraxo madaxtooyada Jubaland ama saameyn ku yeesho doorashada marka muddo xileedkiis dhamaado.

Qorshahaan ayaa la sheegay mid lagu hubeynaayo lagu abaabulaayo Maleeshiyo beeleed mid ka mid ah Hogaamiye Kooxeed ka soo jeeda Beesha Mareexaan isla markaasna loo diyaariyo in Senetor Cabdulaahi Fartaag oo ka tirsan Xisbiga UDP inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland si loogu caleemo saaro inuu Noqdo Madaxweynaha Jubbaland.

Maamulka Uhuruu ayaa la sheegay inuu oggolaaday inuu hirgeliyo Qorshahaan, waxaana loo xil saaray Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgala ATMIS iyo Hey’adda Sirdoonka Kenya, Qorshahaan ayaa lagu dhex fulin doona Ololaha cusub ee lagula Dagaalaayo Kooxda Argagixisada Shababka.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa soo jeediyay in loo xil saaro Taliska Ciidamada lagula dagaalamaayo Kooxda Shababka si looga xoreeyo Gobolka Jubada Dhexe, waa lagu diiday, wuxuuna hadda soo jeedayay in ololaha lagula dagaallamayo Kooxda Shabaabka la hoos geeeyo Gole Difaac Qaran oo Madaxda maamul Federaaleedyadu ka tirsan yihiin.

Lama hubo jawaabta uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka bixiyay walaaca Axmed Madoobe ka haya suurtoobidda in Xasan dan u arko soo cusbooneysiinta colaaddii Jubaland oo lagu eedeeyay inuu ku guuldarraystay, Haddii saamileyda siyaasadeed isku raaci waayaan siyaasad mideysan oo ka dhan ah Shababka, Kenya waxay helaysaa fursad weyn oo ay ciidankeedu ku sii joogaan Somalia waayo dhulka hadda ciidammadeedu joogaan waxay u taqaan dhul ay saameyn ku leedahay ‘sphere of influence’.

202670cookie-checkDigniino laga bixiyay Dib u soo Nooleynta Colaadaha & Isbaheysiyada Dagaalada Sokooye
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com