Ma Dhabaa in Dowlada Federaalka & Xafiiska UNSOM ay Heshiis Hordhac ah wada Gaareen..

Politics Somalia news World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dowlada Somalia oo oggolaatay Qorshe dib loogu habeynaayo Xafiiska UNSOM ee Somalia, waxeyna taageertay in muddo kordhin 2-da sano ah ee loo sameeyey howlgalka oo hadda magaca laga bedelay loona bixiyey UNATMIS…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com in Dowlada Federaalka ay horey u codsatay in isbedel iyo dib u eegis lagu sameeyo Xafiiska Howlgalka UNSOM, lana koobo oo shaqooyinkiisa, inkastoo dalabkaasi ay ka biyo diideen Golaha Amaanka ee QM, Xafiiskaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku milmay garabyada Siyaasada ku hardamaaya.

Muddo 18-sano ah ayaa Dalkaan waxaa dhibaato iyo faragelin siyaasadeed ku hayay Xafiisyadaan Mashruucyada noqday ee AMISOM, UNSOM, ATMIS, UNATMIS, AUSSOM, kuwaasoo waxqabadkooda ku soo koobmay in magacyada uun la bedelo isla markaasna dhaqaale badan oo Magaca Somalia lagu soo qaaday lagu ilmo korsado.

Muwaadiniinta Somalia ayaa isweydiinaya xili ay soi af jarmi doonaan Mashaariicdaan NGO-da kale u howlgala balse aan wax horumar ah ku soo kordhineynin Dadaalada Nabada iyo Amniga Dalka Somalia.

341720cookie-checkMa Dhabaa in Dowlada Federaalka & Xafiiska UNSOM ay Heshiis Hordhac ah wada Gaareen..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *