Magaalada Hargeysa Oo Sare Kac ku yimid Qiimaha Biyaha & Shidaalka

Somalia news

Qiimaha biyaha Booyadaha shubaan ee magaalada Hargaysa, ayaa sare u kac xoogan ku yimid kadib markii shidaalka uu qaaliyoobay, isla markaana Wadayaasha Booyadaha ayaa ku doodaya iney tahay in shidaalka la qiimo dhimo, si ay biyaha u jabiyaan…

Mid ka mid ah Wadayaasha Booyadaha ayaa sheegay “Hadii aanu nahay booyadlayda biyaha magaalada u dhaamiya, waxaanu ka cabanaynaa shidaalka oo si qayral caadi ah u qaali garoobay…markaa markii wixiiba eber eber noqdeen ayaanu socon kari waynay” sida uu sheegay Cabdifatax Nuur Bookh, oo kamid ah booyad layda Hargaysa.

“Naaftadu markii hore 116000sh ayay ahayd imikana waxay maraysa 146000sh waa wax qayrul caadi ah…foostada biyaha ah 11000sh ayaanu siin jirnay imikana 14000-15000sh ayaanu ka dhignay dadkuna ma qaadi karaan” ayuu yidhi Bookh, Waxa uu sheegay in ay Maamulka iyo kan casimada Hargaysa, ay u gudbiyeen cabashadooda, lakin aan wali waxba laga qaban.

167810cookie-checkMagaalada Hargeysa Oo Sare Kac ku yimid Qiimaha Biyaha & Shidaalka