Ciidamo Gadood Ka Sameeyay Maamulka Galmudug

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb Ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamulkaasi ay gadood ka sameeyay isla markaasna xirtay Wadada Magaalada…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Ciidamadaan ayaa gabal dhici shalay xirtay Wadada Dheer Ee Magaalada Dhuusa mareeb dhex martay, Ciidamadaan ayaa la sheegay iney ka soo dhaqaaqeen xerada Ururis ee Duleedka degaanka Xanan buure, waxeyna xanibaad ku soo togen Gaadiid tiro badan oo Xamuul ah kuwaasoo weydiisanaya dhaqaale.

Maamulka Qorqor iyo Kan Dowladda Federaalka ayaa weli ka hadlin cabashada Ciidamadaan iyo iney xaliyaan, waxaana loogu baaqay iney si deg deg ah wax ugu qabtaan Ciidamadaan dhibaatada ku haya Gadiiddka Xamuulka iyo Dadka Rayidka ah.

74300cookie-checkCiidamo Gadood Ka Sameeyay Maamulka Galmudug