Ma Dhabaa in Duqa Magaalada Mogadishu Xilka Laga Xayuubinaayo Yaase lagu Bedelayaa..

Somalia news

Caasimada Magaalada Mogadishu ayaa muddo 14-sano ah waxaa la daala dhaceysa Maamul xumo, iyadoo Eeda loo jeediyo Hogaanka Villa Somalia oo u xusha duq magaalo aan wadan qorshe cad iyo fahan ku aadan dhibaatooyinka baahiyaha soo noqnoqda ee Magaalada sida Cafiimaad darrada, Nadaafada iyo Bulaacadaha..

Shacbiga Magaalada ayaa dhaqaalaha (Canshuurta) laga uruuriyo 85% waxaa qaadata Dowlada Federaalka halka 15% soo hartana waxaa jeebta ku shubta Duqa Magaalada, iyadoo lashesgo in loo bixiyo Gunooyin shaqaalaha Gobolka iyo laaluushka laga bixiyo madaxda Villa Somalia ee lagu naasnuujiyo Dad gaar ah.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Hogaanka Villa Somalia uu qorsheynaayo in la bedelo Duqa Magaalada Mogadishu Kadib xafladaha xafladaha todobaadka Xoriyada ee 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo, Yuusuf Borsaani oo Duqa Magaalada ah ayaan ka faa’iideysan fursada mar 2-aad loogu xushay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka soomana bandhigin qorshe cad oo xal loogu raadinaayo dhibaatooyinka heysta magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Duqa Magaalada Mogadishu loo magacaabi doono Axmed Meyre Makaraan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe, kaasoo aan lagu xulan aqoon balse lagu maslaxeeyay mid ka mid Hogaamiye kooxdyadii magaalada dhibaatooyinka ba’an ka geystay, Dad badan oo xal soo jeedinaya ayaan helin cid ka talo dhageysata, caasimadda iyo duqa magaaladuna waxay noqdaan kuwo isla duma.

333290cookie-checkMa Dhabaa in Duqa Magaalada Mogadishu Xilka Laga Xayuubinaayo Yaase lagu Bedelayaa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com