Qorshe Loo Diyaarinaayo Xakameynta Qaraxyada ee Somalia (IED)

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa Hogaanka Howlgalada ATMIS ee Somalia wada qorshe balaaran oo la doonaayo in lagu xakameynaayo Qaraxyada kooxaha argagixisada ay u maleegaan Shacbiga iyo Ciidamada, iyagoo ku baaqay ine dadaal wadajir ah si looga hortaga Walxaha qarxa (IED)…

Taliyaha Ciidamada ATMIS Gen.Diomeda Ndegeya ayaa sheegay in khatarta ka imaaneysa Walxaha qarxa IED ay waajib ku tahay howlgalka iyo la-Howlgalayaasha si ay ula yimaadaan Farsamooyin hoo u dhigi kara Qaraxyada, waxaana loo baahan yahay in Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulada iney la shaqeeyaan Bulshada si kor loogu qaado Dagaalka loogu jiro sidii loo yareyn lahaa Saameynta Qaraxyada.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Saraakiil sare oo ka kala socota Dowladda Federaalka, ATMIS, EU-da, UK, iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan waxqabadka Miinooyinka (UNMAS), iyadoo looga dooday talaabooyinka iyo Istraateejiyad mideysan oo looga hortagi kara khatarta Walxaha qarxa ee dhinacyada Tababarka, la-talinta iyo taageerida Qalabka lagu ogaado Qaraxyada.

Warbixinada goobta laga jeediyay ayaa lagu xusay in 501 oo Rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay Dalka Somalia Sanadkii 2020-kii, sababo la xiriira Walxaha qarxa iyo haraadiga qaraxyada, halka Sanadkii 2021-kii tiradaasi ay kor u kacday (669), sida ay sheegtay Qaramada Midoobay (UNMAS).

196040cookie-checkQorshe Loo Diyaarinaayo Xakameynta Qaraxyada ee Somalia (IED)