Ma Dhabaa in Erhiopia ay Shixnad Hub & Rasaas ay soo Gelisay Xadka Dalka…

Africa News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado iyo muran ka dhashay 6-Gaari oo kuwa Xamuulka ah oo u siday Maamulka Konfur galbeed Hub fudud iyo Rasaas kana soo talaabay Xadka Ethiopia ay Dadka Degaanka Degaanka Qurac joomo ku celiyeen Degaankaasi…

Wararka ayaa sheegay in Shixnadaan shalay waabarigii Odayaasha Dhaqanka Degaanka Quracjoome ay u tegeen Ciidamada Ethiopia ee kutaala magaalada halkaas oo ay kulmeen Saraakiisha, iyagoo kala hadlay Xiisada ku gedaaman Gaadiidkan aan la aqoon waxa kuraran iyo in Dadka Degaanka aysan marnaba ogoleyn in la dhexmariyo hub aysan waxba kala socon wax talo ahna aysan ku leheyn.

Saraakiisha ayaa Odayaasha ku wargaliyay in Gaadiidkan ay wadaan riig iyo qalab kale islamarkaana ay dib ugu laabanayaan magaalada Godey oo ay ka yimaadeen, dhinaca kale qaar kamid ah Odayaasha ayaa si la qanciyay in kor laga tusiyay biro iyo tubooyin gaadiidka saaran kuwaasoo lagu sheegay iney yihiin qalabka riiga balse Dadka Degaanka ayaa wali la, anfariirsan beenta Saraakiisha ayaa diiday.

Saacado kadib markii ay kasoo tageen Odayaasha waxaa la qorsheeyay in Gaadiidka ay dib ugu laabtaan magaalada Godey oo ay markii hore ka yimaadeen iyagoo ugu dambeyn goor dhaw isaga baxay Quracjoome, Si kastaba bixitaanka gaadiidkan iyo dib u laabashadooda godeey ayaa loo sababeynayaa kadib markii ay Dadka Degaanka ay dhaqdhaqaaq abaabul bilaabeen 24kii saac ee la soo dhaafay.

345160cookie-checkMa Dhabaa in Erhiopia ay Shixnad Hub & Rasaas ay soo Gelisay Xadka Dalka…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *