Ma Dhabaa In Lacago Been Abuur Ah Dalka La Soo Geliyay

Africa News Business

Waxaa tuhun iyo cabsi badan ay Ganacsatada Soomaaliyeed ka muujiyeen lacagaha 20-50 US$ ayna adag tahay in laga garto midda saxda ah, iyadoo ay soo shaac baxaayaan Warbixino la xiriira in shaqsiyaad ay Dalka soo geliyeen Lacago Dollars oo been abuur ah kuwaasoo aan inta badan Machines sheegi karin…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah sheegay in Lacagahaan been abuurka ah si weyn loogu faafiyay Dalalka Somalia Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, iyadoo 1-dii Bishaan August ayaa waxaana Djibouti lagu qabtay Lacago Cash oo gaaraya 1-million US$ Iyo 300-Millions Fr. Djibouti ah Lacagtaan ayaa la sheegay inuu diraayay Nin lagu magacaabo Cali Cabdi Faarax oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Boostada Dalka Djibouti, haataan ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Lacagtaan ayaa dhalisay shaki badan kadib markii la arkay in lacago badan oo been abuur ah ku dhex jireen Qeybta Dollar-ka, waxaana 10-kii Bishaan Magaalada Djibouti soo gaaray 10-Sarkaal oo ka tirsan Hey’adda FBI Mareykanka, kuwaasoo ku takhasusay Baarista Lacagaha been abuurka ah iyo Dembiyada abaabulan Ee dhaqaalaha, iyagoo wareysi la yeeshay Wasiirka iyo inta badan Madaxda Bangiyada iyo Xawaaladaha.

Warbixinada Ayaa tilmaamaya in Saraakiisha NISA Iyo Madaxtooyada Villa Somalia iyo Maamulada qaarkood ay ku lug leeyihiin Farsameynta lacagaha been abuurka ah, iyadoo laga faa’iideysanaayo xiliga kala guurka ah, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed looga digay iney ka feejignaadaan Lacagahaan been abuurka oo Dalka aad loo soo geliyo.

136510cookie-checkMa Dhabaa In Lacago Been Abuur Ah Dalka La Soo Geliyay