Xiisadaha ka Taagan Gobolka Gedo & Garabyada isku haya Hogaanka Maamulka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xiisado iyo khilaafyo ka soo cusboonaaday Degmooyinka Doolow/Beled xaawo iyo Luuq ee Gobolka kuwaasoo si isku mid ah u gilgilay Dowladda Federaalka Maamulka Jubbaland iyo Haraadigii Farmaajo taageersanaa…

Xiisadahaan ayaa salka ku haya Cidii maamuli laheyd Hogaanka Gobolka, iyadoo Maleeshiyaadka Jufooyinka Beesha Marexaan ay kala taageersan yihiin Garabyada kor ku xusan kuwaasoo doonaya iney hataan Hogaanka Gobolka, ku darsoo waxaa jira garab 4-aad oo iskood isku Abaabulay iyo Ciidamada Ethiopia oo ku milmay garabyadaan.

Dowladda Federaalka iyo Hogaanka NISA u Magacaabay Axmed Xasan Sareey Sidoo kale Maxamed Cabdiraxmaan Yacquul (Sandheere) ayaa loo Magacabey Taliye ku xigeenka Nisa ee Gobolka, inkastoo uu ku gacan seyray Magacabistaasi Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Garaad oo weli Daacad u ah Farmaajo & Kulane jiis.

Safarka Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan

Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan oo muddo ku sugnaa Kenya ayaa ugu dambeyntii ka talaabay magaalada Beled xaawo, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay Abaandulaha Ciidamada Mr.Niinle iyo Ciidamo la socda wuxuu geeyay Magaalada Doolow, isagoo heshiis dhex dhigay Xubnahaan iyo Gudoomiyaha Gobolka.

Heahiiskaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Gobolka wuxuu xilalkii ka qaaday Mas’uuliyiintii Ilaha dakhliga ee Gedo wuxuuna ku bedelay kuwo kale cusub, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada Lugta uu ku canaantay Abaandulaha Ciidamada Gedo soo dhoweyntii Xubnahaan waxaana looga yeeray Magaalada Mogadishu.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Senator Fartaag iyo Janan ay Wakiil ka yihiin Agaasimaha Sirdoonka Mahad Salaad kaasoo lagu wado inuu dhawaan gaaro Degmada Doolow, sidoo kale Ciidamada Gorgor ayaa lagu amray iney la shaqeeyaan Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Maamulka Jubbaland ayaan wax saameyn & kaalinba ah ku laheyn Dagaal siyaasadeedkaan u dhaxeeya Garabyada taageeraan Maamulkii hore (Farmaajo/Kulane jiis) iyo Maamulka Xasan Sheekh, wuxuuna dalbaday in Dowlada Federaalka ay fasiraad ka bixiso balse lama oga maxsuulka uu dhalay.

231550cookie-checkXiisadaha ka Taagan Gobolka Gedo & Garabyada isku haya Hogaanka Maamulka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com