Ma Dhabaa In Ethiopia Ay Culeys Ku Saartay Dib U Furida Hawada.

Travel

Macluumaad hordhaca ah ayaa ka soo baxaaya sababta ku kaliftay in Maamulka Farmaajo ay dib u furaan duulimaadyadii muddo laba maalmood ah iyadoo ay caalamka gebi ahaanba kala xiran yihiin oo la joojiyay duuliaadyada caalamiga ah cabsi laga qabo faafidda cudurka CORONAVIRUS…

Warbixino laga helay Saraskiisha Hay’adda Duulimaadka ee Muqdisho oo ka gaabsaday in magacyadooda la sheego ayaa fasiraad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Shalay oo aay taariikhda ahayd 20 Maarso 2020, shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline oo ogolaasho ka haysata maamulka Soomaaliland ayaa go,aansatay inay soo daabusho dad u socday Hargaysa, kana yimid meelo kala duwan oo dunida ah, haba ugu badnaadeen arday wax ku barata dalka Shiinaha, tiradoodana lagu sheegay 410 qof.

Duulimaadka ku suntan ET-372 Boeing 737-860, oo aay saaran yihiin rakaab 173 qof ayaa kasoo duushay magaalada Addis Ababa, mar ay dul maraysay deegaanka Fayaan-biiro ee dawlad deegaanka Soomaalida, ayaa diyaaraddii waxaa lasoo xariiray, hay’adda duulista hawada DF (Civi Aviation, FIS Muqdisho), kuna amartay in diyaaraddu ay dib ugu laabato halkii ay kasoo duushay. Diyaaradii dib ayay ugu laabatay magaalada Addis Ababa, wuxuuna duuliyihii waday diyaaradda ogeysiiyay Hay’adda Duulimaadyada ee Itoobiya (Ethiopia Civil Aviation Authority – ECAA) in DF Somalia ay ku amartay in ay dib ugu laabato halka ay ka timid kuna wargelisay in hawada Somalia ay xiran tahay.

Intii ay diyaaradda hawada ku jirtay kuna socotay halkii ay ka timid Addis Ababa ayaa, hay’adda duulista hawada Ethiopia waxay duuliyihii ku amartay in uu Hargaysa dib ugu laabto, sidoo kale wax xariir ah uusan la samayn Muqdisho iyo DF ee Xamar, kolka uu dul-marayo deegaanka Xarshin, uu ku duulayo joog aad u hooseeya oo ah 8000 feet, taasoo macnaheedu tahay in xiriir uu la sameyn karo oo kaliya taawarka Hargaysa (VHF) 126.1  MHz, sidoo kalena uusan wax xariir ah la samayn (ATC) Muqdisho jooga.

Duulimaadka ku suntana ET-372 Boeing 737-860 ayaa sifo sharci darro ah uga degtay garoon Cigaal International Airport abaarihii 11:21 AM iyada oo wax ogolaansho ah ka haysan xukuumadda Muqdisho.

La taliye sare oo ka tirsan xafiiska RW Itoobiya Abiye Axmed ayaa qadka telefonka kula hadlay RW Xasan Cali Kheyre wuxuuna u sheegay in magaalada Addis Ababa ay ku xayiran yihiin Soomaali u socota Somaliland, wuxuuna u sheegay in Hay’adda Civil Aviation Somalia ay dib u celisay diyaarad rakaab ah, balse ay go’aansadeen in ay iyagana dib ugu celiyaan diyaaraddaas magaalada Hargeysa oo ay goor dhow ka degtay.

RW Kheyre ayaa aqbalay isla markiina amar ku siiyay la taliyihiisa Samiira Gayd inay amar siiso Wasiirka Gaadiidka Oomaar in uu soo saaro Qoraalka.

23460cookie-checkMa Dhabaa In Ethiopia Ay Culeys Ku Saartay Dib U Furida Hawada.