Qaraxyo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Khasaare ka Dhashay..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Qaraxyo culus ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, kuwaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo qarax xoog leh ayaa lala beegsaday Bar Koontarool oo Ciidamada Dowlada ay Amniga ku sugnaayeen Degaanka Xoosh ee degmada Dharkeyley…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen 2-Askari, halka warar kale sheegayaan in ilaa 4-Askari lagu dilay qaraxaasi, Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo qaraxa ka soo gaaray Askar kale, falalkaan Amni darro ee kooxda Argagixisada ayaa laga cabsi qabaa iney kordhaan 11-maalmood ee Bisha Ramadan ka harsan, iyadoo Agaasimaha NISA uu Caawa Kormeeray Maqaayo Ganacsi.

Dhinaca kale rasaas ayaa isla caawa laga maqlay Xaafadaha Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley oo wararka soo baxaya ay sheegayaan in dabley hubeysan ay khaarijiyeen Askari ka tirsanaa Xoogaga Amaanka, Inkastoo Amaanka waayahaan dambe uu Roonaa Rabashadahaan dhiig daadinta ee Xiligaan Bisha Soon ayaa noqdeen kuwo aan lagu guuleysan in la xakameeyo.

317710cookie-checkQaraxyo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Khasaare ka Dhashay..