Maraykanka oo Dalalka Iraq iyo Syria ka fuliyey Duqeyno aargudasho ah..

Travel World

Warar ay Wasaarada Gaashandhigga USA ay faafisay ayeey ku sheegtey in xalay Saqdii dhexe ay Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ku beegsaday in ka badan 85 bartilmaameed oo ku kala yaala gudaha Suuriya iyo Ciraaq, Bartilmaameedadan ayaa u badnaa fariisimo ay leeyihiin Xoogaga Ilaalada Kacaanka iyo Maleeshiyaadka ay taageerto Dowladda Iran…

Duqeyntaan uu qaaday Maraykanku ayuu uga aargudanayay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha Drones-ka oo Axaddii la soo dhaafay lagu weeraray Fariisin qarsoodi ah oo uu ku leeyahay dalka Urdun, gaar ahaan xadka Syria, Weerarkaasi ayaa lagu dilay 3 Askari oo Mareykan ah halka lagu dhaawacay in ka badan 50 kale.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo duqeynta ka hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay iney jiri doonaan duqeymo kale oo cirka ah oo ay fulin doonaan, Saraakiisha ciidamada Mareykanka ma aysan sheegin ilaa iyo hadda in weerarkaasi ay dad ku dileen iyo in kale.

Bayaan ka soo baxay Ciidamada Irak oo ku aadan Duqeymaha Mareykanka: “Magaalooyinka Al-Qaim iyo xuduudka Irak waxaa duqeymo ka geysta diyaaradaha Mareykanka, duqeymahan ayaa imaanaya xilli Irak ay ku dadaaleyso xaqiijinta xasilloonida Gobolka, waxeyna meel uga dhacern Madax banaanida Dhuleedke ee Dalka Irak.

305830cookie-checkMaraykanka oo Dalalka Iraq iyo Syria ka fuliyey Duqeyno aargudasho ah..