Ma Dhabaa in Ethiopia ay Qarka u Saaran tahay Burburkii iyo Wadadii Yugoslavia Africa..

Africa News

Dalka Ethiopia oo xiligaan ka taliyo Shaqsi talada Dalka isku koobay oo dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daatay ayaa hadda u jiheeyay Jidkii ay ku noqon laheyd “Yugoslavia Africa”, iyadoo la soo warinaayo in gudaha Caasimada Dalkaasi lagu dagaalamaayo isla markaasna Hogaanka Dalkaasi lagu eedeeyay Beegsiga Suxufiyiinta…

Qorshaha Ethiopia loo burburinayo waxaa kow ka ahaa in la curyaamiyo maalgelinta China uu ka wadaa Degaanada dalkaasi taasna waa lagu guuleystay, iyadoo Shirkadihii iyo Ganacsatadii China Degaanada Caasimada ka baxsan ay wada xirmeen Dalkana isaga baxeen, waxaana lagu sababeeyay siyaasad xumida iyo Macangagnimada Mr.Abiy ay horseeday.

Bayaan ay si wada jir ah uga soo saareen magaalada Addis abeba ayeey Safaaradaha Reer galbeedka oo lagu xusaayay maalinta xoriyada saxaafada Aduunka ayeey walaac kaga muujiyeen dareenka ay ka qabaan sida loola dhaqmo Suxufiyiinta Dalkaasi, Wasaarada Arrimaha Dibeda ayaa si adag u dhaleeceysay Qoraalkaasi kuna tilmaantay mid Been abuur ah, iyadoo dhinaca kalena xaqiijisay in Ethiopia ay ilaalinayso Xorriyadda saxaafadda” balse waxay sheegtay in xuquuqdaasi ay tahay in lagu dhaqmo lana ilaaliyo sharciga.

Ismaandhaafkaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xoriyada saxaafada ee Ethiopia oo ka imaanaya Dalalka Reer Galbeedka ah, Qiimaynta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee u dambaysay ee ay soo saareen suxufiyiinta aan xuduudda lahayn, Ethiopia waxay gashay 141 dal oo ka mid ah 180-kii Dal ee sahanka laga sameeyay, taasoo 10-dhibcood hoos u dhacday marka loo eego qiimayntii sanadkii hore, Guddiga Badbaadinta Saxafiyiinta (#CPJ) ayaa Ethiopia u magacawday iney tahay xabsiga 3-aad ee ugu xun Suxafiyiinta ka hooseeya Saxaraha Afrika sanadka 2023.

325240cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Qarka u Saaran tahay Burburkii iyo Wadadii Yugoslavia Africa..