UK & Ethiopia oo Iska Kaashanaaya Barnaamij-Nabadeed Si Loo Xoojiyo Khatarta Xuduudaha..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ayaa sheegaya in Safaaradda Britain ee Addis Ababa ay billowday barnaamij nabadeed iyo amni oo loogu magac daray ‘Deris Wanaag’ oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ka-hortagga kicinta rabshadaha ee ka taagan degaanada Xuduudda ee Ethiopia iyo Kenya iyo Somalia…

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed loo diray Wargeyska Addis Standard, UK ayaa 10 millions oo £ ku bixin doonta 3-da sano ee soo socota barnaamijkaan oo ka furmay magaalada Jigjiga ee gobolka Soomaalida Khamiista, 09 November 2023.

Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa siyaasad iyo barnaamij wax ku ool ah, xoojinta hababka dhisidda adkeysiga rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada si loo yareeyo qas-wadayaasha abaabula xasillooni darrada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, “ayaa lagu xusay war-saxaafadeedka.

Deris Wanaag’ oo ah hal-ku-dheg Soomaali ah oo macneheedu yahay ‘Nabad ku wada noolaasho’ waxa ay diiradda saari doontaa is-dhex-galka jawaab-celinta qaranka ee ka hortaga Amaan-darrada, taageeridda qaab-dhismeedka xallinta khilaafaadka, iyo is-waafajinta hawlaha horumarka iyo nabad-dhisidda ee 3-Dal.

286940cookie-checkUK & Ethiopia oo Iska Kaashanaaya Barnaamij-Nabadeed Si Loo Xoojiyo Khatarta Xuduudaha..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com