Hogaanada Bangiyada dhexe ee IGAD oo Loogu Baaqay iney ka Tashadaan sidii loo dhimi lahaa Khidmada Lacagaha Xawaaladaha laga Qaado..

Africa News

Hogaanada Bangiyada Dhexe ee Dalalka xubnaha ka ah urur Goboleedka Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, ayaa Xoghaynta Ururku ku boorisay inay iswaafajiyaan khidmadaha wax kala iibsiga ee qurba-joogta si loo kor loogu qaado tayada Howlaha Xawaaladaha isla markaasna loo dhimo Canshuuraha laga qaado…

Kulan uu magaalada Nairobi kula qaatay Gudoomiyaasha Bangiyada Dhexe ee Dowladaha xubnaha ka ah IGAD, ayuu Xoghayaha fulinta Ururka Mr.Workneh Gebeyehu u sheegay inkastoo Gobolku leeyahay tiro aad u badan oo Xafiisyo Xawaaladaha lacagaha badan ee dibadda laga soo xawila, haddana waxaan shaki ku jirin in heerka wax kala iibsiga uu aad uga sarreeyo celceliska caalamka.

Celceliska qiimaha dirista Lacagaha Xawaaladaha Gobolka IGAD waa 8.9% marka la barbardhigo celceliska caalamiga ah ee 6.5%, taasoo ku dhow saddex jeer bartilmaameedka Yoolalka Horumarka Waara ee ka hooseeya boqolkiiba saddex, Qarashka ku baxa xawaaladaha Dalalka xubnaha ka ag IGAD ayaa maraya 10.6%, taasoo ka badan inta lacagaha loo diro Gobolka, taasoo ka dhigaysa mid qaali ah in xubnaha dhexdooda lacagaha loo diro, waxaana lagu booriyay iney dib u eegaan, Dawladaha IGAD waxay ka kooban yihiin Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo Uganda.

256470cookie-checkHogaanada Bangiyada dhexe ee IGAD oo Loogu Baaqay iney ka Tashadaan sidii loo dhimi lahaa Khidmada Lacagaha Xawaaladaha laga Qaado..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com