Ma Dhabaa in Hogaanka Dowlada Federaalka Hortaagan yahay Dhameystirka Habraaca Isbaheysiga EAC..

Africa News Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa sababaha hortaagan in si dhameystiran Somalia uga mid noqoto Ururka Iskaashiga Bulshada Bariga Afrika (EAC), kadib markii dadaal muddo dheer soo socday oo soo bilowday sanadkii 2012-kii, Ku biirista Somalia ee Ururkan waxay ahayd hiigsi soo socday muddo 15 sano ah, waxaana hortaagnaa caqabado dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha ah oo dalka haystay…

Shacbiga Soomaaliyeed oo kamid ah Bulshooyinka ugu badan ee isaga kala goosha Dalalka Bariga Afrika meherafo ganacsi ku leh ayaa rajo ka qabay in Xubinnimada Somalia ee Ururkan ay ugu yaraan ka qaadi doonto caqabadaha Socdaalka iyo Xanibaadaha kale ee ay la kulmaan, Si kastaba ha ahaatee, sanad iyo dheeraad kaddib ku biiritaanka Somalia ee ururka EAC, Dadka haysta Baasaboorka Somalia weli ma heli karaan xuquuqaha socdaalka ee ay leeyihiin dadka kale ee ka socda dalalka xubnaha ka ah EAC.

Waxaa sababta ugu weyn lagu sheegay Daahfurnaan la’aanta iyo musuqa baahsan ee Xafiisyada Dowladda oo dib u dhigaysa ka faa’iideysiga fursadaha yaalla Dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika, Ururka EAC oo leh Hey’ado sharci-dejin (Baarlamaanka), fulin (Xoghaynta Guud) iyo Garsoor (Maxkamadda Caruusha). Soomaaliya waxay heshay fursad ay 9 xubnood ugu diri karto Baarlamaanka EAC iyo sidoo kale inay xaq u yeelato mid kamid ah 8-da kursi ee ugu sarreeya Maamulka ururka, sida Xoghayaha Guud, ku-xigeennadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Caruusha.

Laba-daraadle, baaris & dabagal la sameeyay ayaa xaqiijinaaya Hogaanka Villa Somalia uu gaabiyay buuxinta boosaskan muhiimka ah taas oo noqotay arrin dhabar-jab ku ah ka qaybgalkeeda siyaasadeed iyo saameynta ay ku yeelan lahayd doodaha iyo xeer dejinta ururka, Liiskaas waxaa lagu waday in loogu gudbiyo Golaha Shacabka si daahfuran oo ay kursigiiba dhawr qof u tartamaan si loo ansixiyo, balse arrimo siyaasadeed ayaa sababay dib-u-dhac, Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxey wali sugayaan in Hogaanka Dowlada iney ka dhabeyso ujeedadii ka dambeysay ku biirista ururkan, si ay u helaan fursado la mid ah kuwa ay helaan shacabka dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC.

375690cookie-checkMa Dhabaa in Hogaanka Dowlada Federaalka Hortaagan yahay Dhameystirka Habraaca Isbaheysiga EAC..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *