Ma Dhabaa In Laga Soo Qaaday Mas’uuliyiintii Gobolka Gedo

Somalia news

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya in Maamulkii Gedo ee DFS hoos-tagayay in loo soo qaadayo magaalada Muqdisho, taasoo bilow u noqon doonta dadaalada xal u helida xiisada maamul ee ka jirtay gobolkaas, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku dhow kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe….

Saraakiisha Jubbaland ee xogta ka haya wada hadalada in dowladda Federaalka mabda’ ahaan u aqbaleen arrinta Gedo in Ciidamada laga soo saaro, iyadoo loo saarayo Guddi Farsamo, lana bilaabi jawi dib u heshiisiin, Wararka ayaa sheegaya in Maamulkii Gobolka Gedo ee hoos-tagayay DFS la isugu geeyay degmada Doolow, si halkaas looga soo qaado.

Hase yeeshee, warar ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo ee hoos-tagaya DFS inay ku gacan seyreen qorshaha la doonayo in looga soo saaro Gedo, loona keeno Muqdisho, iyadoo qaarkood ay diideen iney yimaadaan Magaalada Muqdishu.

Dowladda Federaalka ayaa muddo sanad ah si toos ah u maamuleysay Gobolka Gedo, halkaasoo ay geysay ciidamo iyo hub fara badan, waxaana Maamuladii degmooyinka Gobolka Gedo u magacawday Guddoomiyeyaal gaar ah oo ka madax bannaan maamulka Axmed Madoobe, taasoo xiisadda siyaasadeed iyo mid amni ee ka jirtay Gobolka Gedo weji cusub gashay.

59170cookie-checkMa Dhabaa In Laga Soo Qaaday Mas’uuliyiintii Gobolka Gedo