Ma Dhabaa in Howlgalka EUNAVFOR ATALANTA uu Yahay Nidaamka cusub ee Adoonsiga casriga ah..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe cusub oo Ciidamada Badda ee ku bahoobay Howlgalka EUNAVFOR Atlanta ay ku doonayaan in loo cusbooneysiiyo howlgalada ilaalada beenta ah oo ay sheegeen iney ka hayaan xeebaha Somalia, iyadoo la ogsoon in muddo xileedkoodu uu ku eg yahay dhamaadka Sanadkaan…

Wararka ayaa sheegaya in 25-sano oo Howlgalkaan laga waday xeebaha Dalka uusan qaban Maraakiibta iyo doomaha shisheeye ee xaalufka ku haya Kheyraadkad badda Somalia, iyadoo ay u dheer tahay in Maraakiibta Kaluumeysiga ee Spain, Italy France iyo UK ay boob ku hayaan Kaluunka xeebaha Somalia, iyadoo lagu wado iney kulan ka yeeshaan cusbooneysiibta Somalia & EuroForce.

Somalia oo dhawaan heshiis Amni la gashay Dalka Turkiga ayaa, kadib markii ay Ethiopia damac ka galay iney xoog ku qaadato xeebaha Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal, waxaana codkeena ku biirineynaa in Dowlada Federaalka ay ka fiirsadaan iney ku deg degaan in la kordhiyo Howlgalka EUNAVFOR oo ah Nidaam dib loo soo cusbooneysiyay ee Gumeysiga Casriga ah.

324200cookie-checkMa Dhabaa in Howlgalka EUNAVFOR ATALANTA uu Yahay Nidaamka cusub ee Adoonsiga casriga ah..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *